Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasaan Maxamed (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray xalay saqdii dhaxe xilka uga qaaday labo kamid ah golihiisa wasiiradda, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub.
Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Laftagareen ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo sidoo kale wasiir kuxigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha .
Madaxweyne Laftagareen ayaa wareegtada uu soo saaray ayaa lagu magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo loo magacaabay Cabdifitaax Cali Yuusuf, kaddib markii uu xalay is casilay wasiirkii hore ee wasaaradan Ilyaas Cali Nur.
Wareegatda kasoo baxday Laftagareen ayaa sidoo kale loogu magacaabay Cabdullaahi Maxamed Aadan in uu noqdo wasiiru dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha, halka Cumar Cabdiaxmaan Maxamed loo magacaabay wasiir kuxigeenka wasaaarada shaqada iyo shaqaalaha.
Xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Laftagareen ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Baydhabo ka jirto xiisad ka dhalatay muddo kororsiga uu sameestay Laftagareen, taa oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasitiinta K/Galbeed.