Lataliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee Ciidanka AUSSOM

14

Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkan ka billowday dalka, ayaa ka hadlay sababta keentay in haatan Itoobiya lagu soo daro howlgalka cusub oo ay ka qayb qaadan doonaan, xilli horay dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan uga qaadatay ciidamada Itoobiya.

Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qayb-galaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas kala hoggaamin doono shanta sector ee howlgalkan oo loogu magac daray AUSSOM, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS. Waxaa sidoo kale lagu koobay tirada askarta 11,195 askari oo ka kala socda shantaasi waddan.

“Maanta waxaa lasoo gabagabeeyay howlihii harsanaa, 5 dal ayaa kala hoggaaminayo 5-ta Sector oo kal aha Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahood lasoo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay arrinta Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamo cusub oo la keeno ay ka door bideen kuwa Itoobiya, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa usoo baxday maadaama dhul ballaaran ay joogaan ciidanka Itoobiya ay ka fududahay inay iyaga sii joogaan, iyada oo lagu dabraayo qaabkii ay u dhaqmi jireen iyo wixii ka horreeyay xilligan in ay isbedalaan oo noqoto inay ixtiraamaayaan gobonimada Soomaaliya oo DFS wax weliba uga dambeynaayaan” ayuu yiri la-taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday doodda ka taagan arrinta Masar iyo Itoobiya oo is haya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan waxba iska quseen waxa ka dhexeeya labada dal iyo howlgalka cusub, isla markaana dowladda Soomaaliya ay fiirineyso danaheeda.

“Arrinta sanka la’isku galgalinaayo ee Masar iyo Itoobiya waxa quseeya ma’aha howlgalkan iyo dowladda Soomaaliya danaha ay ka leedahay” ayuu sii raaciyay.