Liibaan Cali Yarow oo loo magacaabay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada

344

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale S/Guuto Liibaan Cali Yarow u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shaaciyay in xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay Liibaan Cali Yaroow oo kal hore xilka qaadis uu sameeyay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiye Liibaan ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii isaga markii hore Farmaajo ku bedelay ee S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Wasiir Cabduqaadir Jaamac oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Guddoomiyaha cusub ugu rajeeyay guul iyo kaalin weyn oo uu ka qaato dagaalka qaran ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana ka socda dalka.