Lionel Messi Oo Barcelona U Sheegay Furaha Ay Kooxda Dib Ugu Soo Celin Karaan Neymar

1874

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa mar kale ku soo laabtay fikirka kooxdiisii hore ee Barcelona kuwaas oo doonaya in ay la soo saxiixdaan xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa mar kale Albaabka u garaaci doonta PSG si ay isugu daydo in ay la soo saxiixato Neymar kadib markii ay xagaagii ku fashilantay adeegiisa.

Xiddiga kabtanka u ah kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali doonaya in uu Neymar ku soo laabto kooxda waxana uu haatan u sheegay fure ka caawin kara in ay xagaaga dambe helaan saxiixiisa.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in uu Lionel Messi la kulmay madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu isaga oo u sheegay in ay kooxda PSG miiska u saaraan saxiixa xiddiga Antoine Griezmann si ay u helaan Neymar xagaaga.

Antoine Griezmann ayaa diirada u saaran kooxda PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer France iyaga oo u arka badalka xiddiga Kylian Mbappe.