Lionel Messi Oo La Gudoonsiiyay Abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub+SAWIRRO

1822

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ku guuleystay markii lixaad abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub, waxaana uu xusay xiddigaha sababta u ah inay hanto abaalmarinta.

Waa sannadkii seddexaad oo isku xigta oo uu xiddiga reer Argentina ku guuleysto abaalmarinta la siiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalada Yurub, waxa uu sidoo kale abaalmarintaan qaaday 2010, 2012 iyo 20013.

Abaalmarinta waxaa ku guuleystay ciyaaryahan Spain ka ciyaaraya mid kasta oo ka mid ah 11kii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay iyadoo Cristiano Ronaldo uu seddex jeer qaaday isagoo mar la qaaday Suarez oo Liverpool joogay halka uu mid kale ku qaaday Manchester United sannadkii 2008 halka Diego Forlan oo joogay Atletico Madrid uu abaalmarinta ku guuleystay sannadkii 2009.

“Luis Suarez iyo Jordi Alba ayaa ah labada xiddig ee sababta ugu weyn leh inaan abaalmarintaan helo. Kooxdeyda la’aanteed hal abaalmarin kuma guuleysteen, abaalmarintaan waxaa iska leh qof walba, waa mid aqoosaneysa qolka labiska.

“Koobka Champions League waa mid gaar ah, sannad walba waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano laakiin waxaan ka warqabnaa in La Liga uu isna muhiim weyn yahay.

“Waxaan nahay Barcelona, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano wax walba.”

Messi ayaa 36 gool ka dhaliyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo 34 iyo 37 gool dhaliyay labadii xilli ciyaareed ee ka siihoreysay, waxaana uu heystaa rikoorka goolasha hal xilli ciyaareed isagoo 50 gool dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkii 2011-12.