Lionel Messi oo markii 7aad kugulaystay Kubadda Dahabka ah ee Ballon d’Or+SAWIRRO

2079

Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.

Messi ayaa tartanka kaga adkaaday Robert Lewandowski oo u dhashay wadanka Poland, dhanka weerarkana oga ciyaaro naadiga Jarmalka ah ee Bayern Munich.

Lewandowski oo dad badan ay filayeen inuu ku guuleysan karo abaalmarinta ayaa sanadkaan dhaliyay 53 gool, wuxuuna ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub. Sidoo kale sannadkii hore ayaa si weyn loogu saadaalinaayay inuu ku guuleysto abaalmarintaan ka hor inta aan loo joojinin cudurka faafa ee Covid-19 dartiis.

Messi oo hantiyay kubadda dahabka sannadkaan ayaa afar bilood ka hor ku biiray kooxda PSG kadib markii uu ka tagay naadiga Barcelona horaantii bishii 8-aad ee sannadkaan.

Inkasta Messi marka la barbardhigo xilligii uu joogay Barcelona uu hadda hoos oga dhacay doorkiisa heerka kooxda uu la joogo ee PSG, haddana wuxuu abaalmarinta ku muteystay doorkii uu ka qaatay in xulkiisa Argentina uu ku guuleysato koobka “Copa America” horaantii sanadkan iyo inuu kooxda Barcelona kula guuleysatay Copa del Rey, sidoo kalana uu ku dhameystay horyaalka Spain ee Laliga gooldhaliyaha ugu sareeya ka hor inta uusan aadan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Lionel Messi oo ah ciyaaryahanka kaliya ee afar mar oo isku xigto ku guuleystay abaalgudka kubadda dahabka oo la soo bilaabay sannadii 1956-dii, ayaa horay ugu guuleystay abaal-marintaan sannadihii kala ahaa, 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, iyo 2019. Wuxuuna markisii toddobaad 2021-ka ku guuleystay Ballon d’Or, isagoona hadda labo koob ka sareeyo ciyaaryahanka ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo oo shan mar horay ogu guuleystay abaalgudkaan.