Liveprool oo barbaro lagashay Man United +SAWIRRO

1981

Man United ayaa nasiinada ugu dirtray Liverpool hal gool oon nadiif ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 9-aad ee horyaalka Ingiriiska kaasi oo ka dhacayay qalcadda Old Trafford

Biloowgii United ayaa kubadda ku badneyd waliba illaa daqiiqaddii 15-aad ka dib ayay Liverpool la qabsadeen hanaanka ciyaarta oo ay noqotay mid u furan labada dhinac .

United garabaha ayay ka socotay kubadeeda gaar ahaan midigta iyaga ayaana ahaa dhanka ku fara dhuubnaa in ay kubadda gaarsiiyaan goosha xilli Liverpool ku adkeyd in qaab saxan ay ku tagaan goosha United

United waxa ay keeneen gool inkastoo Liverpool ay ku doodeen in uusan sax aheyn maadaama kubaddii goolka ku timid lagu soo galay qalad waxaana saxiixay Rashford ka dib baas uu ka helay Daniel James daqiiqaddii 36-aad .

Ka dib goolkaas , Liverpool isku dayo ayay sameyneysay balse daafaca United waxa ay ahaayeen kuwo foojigan , waxa ayna Liverpool keeneen gool uu dhaliyay Mane balse VAR ayaa loo cuksaday maadaama uu gacanta ku taabtay waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 44-aad .

Liveprool waxaa la gudboonnaa in qeybta labaad ay ciyaaraan kubad deg degsiimo leh sidoo kalena dhaq dhaqaaqa garbaha xoojiyaan balse guud ahaan ciyaartooda waa ay wacnaayed .

Liverpool qeybta labaad hanaankooda waa wacnaa waxa ayna badaleen hab ciyaareedkooda iyaga oo isu rogay 1-3-2-4 , waa ayna gaarsiiyeen kubadda afka hore United .

Liverpool kubadooda deg degsiimo ayay aheyd iyagana ayaana maamulka kubad ku badnaa , waxa ayna daqiiqaddii 60-aad soo giliyeen Alex Oxlade-Chamberlain iyadoo loo badalay Origi .
United waxa ay ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah xilli Liverpool kubadda ay ku badneyd hadana halis cagtooda balse halis gillin ma jirrin , waxa ayna daqiiqaddii 71-aad soo giliyeen Adam Lallana isaga oo loo badalay Henderson .

Liverpool waxa ay si weyn uga xumaanayeen go`aanada garsooraha waxaana kaliya ka maqnaa in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan goosha United xilli wiilasha Ole Gunner ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Dhamaadkii United waxa ay hanaankooda u rogeen 5-4-1 , waxa ayna kooxda Klopp u muuqdeen kuwo ay ka go`an tahay in goolka bar bar dhaca keenaan xilli daqiiqadii 82-aad ay soo giliyeen Naby Keita oo loo badalay Wijnaldum

Liverpool waxa ay durba keeneen gool uu dhaliyay Lallana daqiiqaddii 85-aad ka dib markii United ayu badaleen Rashford daqiiqaddii 84-aad xiligaas oo ay soo giliyeen Anthony Martial.

Ka dib goolkaas , Liverpool cadaadis ayay saareen United waxa ayna dagaal ugu jireen goolka guusha balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay bar bardb hac min hal gool ah.