Liverpool Dirqi Kaga Badisay Newcastle+SAWIRRO+VIDEO

1981

Liverpool ayaa diiday inay isdhiibto kulankii xalayto, markii ay u muuqatay in rajadoodii horyaalka ay u dhamaaday, Reds ayaa la soo baxday gool xilli danbe ah taasoo sii nooleysan rajadooda inay qaadaan horyaalka markii ugu horeysay tan iyo 1990, laakiin kumaa ahaa xiddiga garoonka?

Waa ay iska cadeyd inay saameyn weyn ku yeelatay Reds guuldaradii cusleyd ee ka soo gaartay Barcelona seddex maalmood ka hor kulankii xalay, laakiin waxa ay muujiyeen dadaal dheeri ah si ay 3-2 ugu garaacaan kooxda Newcastle.

Tan iyo markii ay dhibco dhumiyeen kulankii Everton ee bishii March, Liverpool ayaa badisay sideed kulan oo isku xigta, haddii lacala laga qaado horyaalka waxa ay noqon doonaan kooxdii ugu fiicneyd abid ee horyaalka kaalinta labaad ka soo gasha. Waxay haatan ku qasban yihiin inay Wolves ku garaacaan Anfield isbuuca danbe islamarkaana ay rajeyaan in kooxda Pep Guardiola ay dhibco ku dhumiso midkood kulamada Liecester City ama Brighton.

Xiddiga Garoonka

Trent Alexander-Arnold (Liverpool): 20 jirkaan ayaa awoodiisa oo dhan ku bixin doona in horyaalka uu ku soo laabto Anfield, sida laga dheehan kara kubadii uu xariiqda ku badbaadiyay garabkiisa. Daafaca midig ayaa qabtay howl ka badan tiisa xilli ciyaareedkan isagoo sameeyay 11 caawin, oo labo ka mid ah uu sameeyay xalayto, waana sababta uu ku noqday xiddiga garoonka isagoo helay qiimeyn gaareysa 8 dhibcood.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Newcastle: Dubravka 6, Manquillo 6, Schar 7, Lascelles 7, Dummett 6, Hayden 6, Ki 6, Ritchie 7, Perez 7, Rondon 8, Atsu 7.

Bedel: Muto n/a.

Liverpool: Alisson 6, Alexander-Arnold 8, Van Dijk 7, Lovren 6, Robertson 7, Henderson 7, Wijnaldum 7, Fabinho 7, Salah 7, Sturridge 5, Mane 6.

Bedel: Shaqiri 7, Origi 7, Milner n/a.