Liverpool iyo Bayern oo barbaro ku kala baxay +SAWIRRO

1859

Kooxaha Liverpool iyo Bayern ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay cayaar qeybtii hore ay aheyd mid waali ah isla markaasna labada kooxba is weerareen

Qeybtii hore ee cayaarta ayay labada kooxba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyo weerar joogto ah iyadoo daqiiqad kasta la filan karo goolka furitaanka.

Bilowgii cayaarta Matib ayaa ku sigtay inuu gool iska dhaliyo kadib karoos lasoo qaaday waxaase si layaab leh isaga badbaadiyay gool haye Allisom.

Dhanka Liverpool ayuu weerarkeeda joogto ahaa maadaama gurigooda lagu cayaarayay waxaa qasab aheyd in weerar joogto qaadaan ayagoo jaanisyo badan oo halis ah iska khasaariyeen waxaana kii ugu halista badnaa khasaariyay S.Mane oo kubad goosha u furan helay hase yeeshee darbadii uu goolka ku laagay ayaa banaanka u baxday.

Qeybtii hore ayaana lagu kala nasta barbaro goolal la’aan.

Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ayay Bayern Munich soo laabatay ayadoo sidii hore ka dhiiran waxayna bilaabeen kubad heysasho xilli Liverpool ay awoodeeeda oo dhan isugu geysay weerarka Rogaal celiska ah.

Liverpool oo qeybtii hore weerar isdaba jog ah qaadeysay ayaanan qeybtii dambe soo bandhigin kubadii laga filayay waxayna qeybta dambe noqotay mid lagu caajiso iyadoo labada kooxba taxadar ka muujinayeen dhanka difaaca.

20kii daqiiqo ee ugu dambeysay ayay Liverpool lasoo baxday kubad weerar ah halka Bayern Munich ay sitoos ah difaaca u xiratay waxayna ahaayeen kuwa ku qanacsan natiijada cayaarta.

Daqiiqadii 85aad goolhaye Neuer ayaa jaanis halis ah ka badbaadiyay S.Mane kadib kubad madax aheyd oo uu shabaqa la beegsaday .

Ugu dambeyn cayaarta ayaa kusoo dhamaatay natiijo 0-0 waxaana la sugi doonaa natiijada lugta labaad.

Dhanka kale kooxaha Barcelona iyo Olympique Lyonnais ayaa ayagana barbaro 0-0 ku kala baxay waxaana laga war sugi doonaa natiijada garoonka Barcelona ee lugta labaad.