Liverpool Oo Aan Ciyaari Doonin Tartanka Club World Cup-ka xitaa Hadii Ay Ku Guulaysato Champions Leaue

2001

Kooxda Liverpool ayaan ciyaari doonin tartanka Club World Cup-ka xitaa hadii ay ku guulaystaan tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Taariikh ahaan kooxda ku guulaysata champions League ayaa si toos ah ugu soo bixi jirtay ka qayb galista Club World Cup-ka.

Laakiin Tartanka Club World cup-ka sanadkan ayaa la joojiyay iyada oo la soo saari doono qayb cusub oo la ciyaari doono xilli ciyaareedka 2021.

Talaabadaas ayaa ka mid ah qorshe cusub oo ay FIFA u dhigtay tartanka ugana dhigayso mid qaali ah tatranka waliba la qaban doono 4-tii sanaba hal mar.

Qorshaha cusub ayaa loogu tala galay in ay ka qayb qaadan doonaan 24 koox halkii ay markii hore 8 kooxood oo kaliya ciyaari jireen xilli lagu marti qaaday Liverpool in ay ka qayb qaadato.

Laakiin Liverpool iyo waliba dhawr kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub ayaa iska diiday marti qaadkii loogu fidiyay tartanka Club World Cup-ka noociisa cusub.

FIFA ayaa tartanka Club World Cup-ka ka badashay wakhtigii Caadiga ahaa ee Awal la qaban jiray ee bisha December iyada oo loo balay wakhtiga june iyo July ee xagaaga.

Waxa ay qaadan doontaa wakhti caadi ah oo kubada cagta ah iyada oo la qaban doono wakhtigii la qaban jiray koobkii Confederations Cup ee la joojiyay.

Taas ayaa dhibaato weyn ku keenaysa kooxaha ugu waaweyn yurub hadii ay ka qayb qaataan maadama ay wakhtigaas bilaaban doonaan isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub.

Hoos ka aqri kooxaha ciyaari doona

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN