Liverpool Oo Cashar U Dhigtay Arsenal +SAWIRRO

1634

Liveprool ayaa guul xaraarad leh waxa ay ka gaareen Arsenal oo marti u aheyd , waxa ayana uga talaabsadeen sedex gool iyo hal.

Sheekada ciyaarta : Qeybtii koowaad , Guud ahaan Liverpool ayaa dhan waliba ka wanaagsaneyd waxa ayna Arsenal ku jireen is difaacid waana loo diiday in afka hore u dhaqaaqaan xilli Liveprool ay ciyaarayeen kubad deg-desiimo leh .

Tan iyo daqiiqadii 24-aad , Liverpool sida ay doonaan ayay u maamuleen kubadda waxa ayna Arsenal ku go`doosanaayeen aagooda xilli dagaalka qad dhexe looga guuleystay , waxa ayna fursaddii ugu horeeysay heleen daqiiqadii 24-aad xilligaas oo kubad rogaal celis ah ay qaadeen waxaana ku yimid gool uu dhaliyay Lacazette ka dib kubad uu qalday Robertson waxaana ka soo shaqeeyay Maitland .

Liverpool oo kulankaan soo bandhigtay ciyaar aad u xaraarad badan ma aysan sugin waqti badan waxa ayna heleen goolka bar bar dhaca waxaana dhaliyay Mane daqiiqadii 27-aad ka dib kubad ku celis aheyd oo uu goolhayaha Arsenal ka bad baadiyay Salah .

Liverpool cadaadis xooggan ayay saareen Arsenal waxaana kooxdaas Aretta ku adkaa in kubadda cagtooda ku daahdo horayna u soo jiidaan xilli uu bad baadiyay goolhayahooda gaar ahaan daqiiqadii 32-aad , waxaana jirtay fursad gool oo Liverpool birta kaga dhacday .

Heerka kubad haysashada Liverpool waxa ay gaartay %72, waxaana Arsenal kulankaas ka muuqday taxadar badan iyo in ay u janjeereen dhanka daafaca ah , waxaana dhamaadkii lagu helay gool labaad waxaana ka dhaliyay Robertson daqiiqadii 34-aad, waxaana xusid mudan in Arsenal daqiiqadihii dhamaadka in afka hore u soo dhaqaaqeen waliba u dhawaadeen goosha liverpool .

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in halista iyo kubadda Liverpool ay ka socotay dhanka garbaha , waxaana ciyaartooyda Liverpool ka muuqatay rabtaan ah in gool dhalinta laga sugin kaliya weerarka

Qeybta labaad , 5-tii daqiiqii ee hore , Arsenal kubad baasas ah ayay ciyaareysay wa ayna ku dhiiraneysay in afka hore kooxda Klopp gaaraan balse halista Liveprool waxa ay aheyd mid mar waliba taagan .

Arsenal , waa ay ka wacnaaeen qaabkii qeybtii hore xilli daafac ahaan ay wacnaayeen waxaana daqiiqaddii 58-aad gool xaqiiq ahaa ka qasaariyay Lacazetta waxaana ka bad baadiyay goolhayaha Liveprool xilli sahal ay aheyd in uu dhaliyo, waxa ayna Liverool dagaal ugu jireen gool sedexaad .

Arsenal mar kale gool xaqiiq ahaa waxaa ka qasaariyay weeraryahankoda waxaana daqiqiadii 62-aad ka bad baadiyay goolhayaha Liverpool xilli dhamka Klopp-na daqiqiadii 64-aad fusard cajiib aheyd uu ka qasaariyay Mane , waxaana xusid mudan in Arsenal badalkoodii ugu horeeyay ay sameeeyeen daqiiqadii 60-aad xilligaas oo ay soo giliyeen Ceballos oo loo saaray Xhaka .

Arsenal si wacan ayay kubadda isaga difaacayeen qeybtaas labaad balse Liverpool baxsad ayay ahayeen waxaana dilayay go`aanada deg deg ah ay qaadanayee waxa ayna Arsenal daqiiqadii 68-aad soo giliyeen Pepe oo loo saaray Willan , waxaana xigay Lacazette oo isna daqiiqadii 74-aad lagu badalay Nketiah.

Halista Liverpool waxa ay aheyd mid taagan , mar walibana waa laag filan karay gool marka la eego habka weerraka saaxibadda Mane kuwaasi oo mar waliba u soo dhawaanayay goosha kooxdaas, waxa ayan Liverpool badalkooda ugu horeeyay ku soo giliyeen Milner iyo Diogo Jota oo daiiqadihii 79 iyo 80-aad loo saaray Keite iyo Mane .

Liverpool daqiiqadhii geerida cadaadis ayay saareen Arsenal waxaana daqiiqadii 82-aad fursad xaqiiq ahaa ka qasaariyay Jota ka dib baas hadiyad ahaa ee uu ka ka helay Mohamed Salah

Ka dib dhowr fursad oo ay iska cuneen , Liverpool gool sedexaad ayay heleen waxaan daqiqiadii 88-aad ka dhaliyay wiilka reer Portugal ee Jota , waxaana ka muuqday goolkaas qalad dhanka daafaca ah , waxaana xusid mudan in Liveprool ay mudnaayeen goolkaas marka la eego sida ay u maamuleen ciyaarta , waxa uuna tababare Klopp daqiiqadi 90-aad soo giliyay Minamino oo loo saaray Firminho .