Liverpool Oo Garaacday Leicester City+SAWIRRO

207

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ayna Liverpool soo bandhigin qaab ciyaareed fiican guud ahaan sidoo kale ay si xun ku bilaabatay bilowgeedii.

Leicester City ayay ku qaadatay kaliya 4 daqiiqo si ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta iyaga oo ka yaabsaday kooxda Liverpool.

Xiddiga Kieman Dewsbury-Hall ayaa Leicester u dhiibay hogaanka kadib markii uu ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafaca Liverpoool.

Liverpool ayaa isku dayday in ay ka kacdo hurdada waxana ay wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahay goolka bar-baraha laakiin habeenka ayaa u muuqday in uuna midkoodkoodii ahayn.

Laakiin Liverpool ayaa guushan uga mahad celinaysa daafaca reer Belguim ee Wout Faes kaas oo weeraryahan u noqday kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 38-aad ayuu daafaca Faes si khaldan isaga dhaliyay goolka bar-baraha ee Liverpool isaga oo difaac is leh kubad uu Arnold soo hor dhigay goolka.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale u baahatay daafaca Leicester City si ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta dhinaca kalena u rogaan natiijada.

Xddiga Faes ayaa daqiiqadii 45-aad mar kale iska dhaliyay gool isaga oo markan shabaqa kooxdiisa ku taabtay kubada birta ka soo laabatay oo uu laagay Darwin Nunez.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool 2-da gool uga mahad celinayaan xiddiga Leicester City ee Wou Faes kaas oo weeraryahan isugu badalay Reds.

Qaybta dambe ayay Liverpool samaysay fursado badan laakiin Nunez ayaa iska khasaariyay fursado badan oo uu kooxdiisa gool ugu dhain lahaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Leicester City inkasta oo ayna xiddigeheedu shabaqa Leicester soo taaban.