Liverpool Oo Loo Sheegay Halka Arin Ee Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Premier League, Mana Ahan Dhaawacyada

1654

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Lee Dixon ayaa shaaca ka qaaday in halka Arin ee Liverpool haatan ka hor istaagi karta ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan tahay khibrad la,aan.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa raadinaya in uu ku hogaamiyo Liverpool ku guulaysiga champions League markii ugu horaysay muddo 29 sano ah.

Reds ayaa haatan si raaxo leh ku haysa hogaanka horyaalka premier League iyaga oo 8 dhibcood ku haya kadib 12 kulan oo ay ka ciyaareen ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa hal dhibic ka hoosaysay Man City horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay wiilasha Guardiola markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysteen horyaalka.

Dixon ayaana sheegay khibrad La,aanta xiddigaha Liverpool in ay khatar ku noqon karo Liverpool wakhti dambe oo xilli ciyaareedkan ah.

“Waxan u malaynayaa in ay wali wax badan hadhsantahay”ayuu Dixon yidhi.

“Waxa wali soo socda bilo adag oo wakhti dambe oo xilli ciyaareedkan ah waxana ay noqon kartaa kuwo Liverpool dhibcood ku noqon kara”.

“Hadii ay bilahaas u ciyaaraan sida haatan waliba ay xamilaan cadaadiska waxa ay haystaan fursad ay ugu guulaysan karaan horyaalka”.