Liverpool Oo Loo Sheegay In Ayna Haysan Xiddigo Ka Fiican Kuwa Man United Laakiin Ay Halkan Arin Kaga Fiicanyihiin.

1534

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa sheegay in sababta Liverpool ay dhibcaha badan ugu hayso hogaanka horyaalka premier League ayna ahayn in ay haystaan xiddigo fiican laakiin ay tahay in ay haystaan rumayn ay rumaysan yihiin naftiisa.

Reds ayaa 8 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo badiyay 12 kulan sidoo kale bar-baro galay hal kulan 13 kulan oo ciyaareen premier League.

Alisson oo goolka ah, Andy Robertson & Trent Alexander-Arnold oo garabaha daafaca ah iyo Xiddigaha Van Dijk, Fabinho, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa la rumaysan yahay in ay yihiin xiddigaha ugu fiican Horyaalka.

Laakiin Halyeeeyga Red ayaan sidaas aaminsanayn.

Waxa uu aaminsan yahay in kooxaha Man United, Arsenal iyo Tottenham ay dhamantood haystaan xiddigo la heer ah kuwa Liverpool laakiin uu Jurgen Klopp yahay farqiga ay Liverpool ka sarayso kooxaha kale.

Burnes oo la hadlaya The Offside Rule Exclusives ayaa yidh”Liverpool ma haysato xiddigo ka fiican Man United, Arsenal ama Tottenham”.

“Waxa ay haystaan xiddigo la mid ah 3-da koox ee kale laakiin waxa ay yihiin kuwo leh rumayn, isku xidhnaansho & In ay aaminsanyihiin tababaraha”.