Liverpool oo Xalay dhigtay Taariikh La yaab kunoqotay Dunida +SAWIRRO+VIDEO

2041

Liverpool ayaa taariikh layaableh ku samaysay Anfield kadib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxdii 3-0 ay ku soo garaacday ee Barcelona waxayna Liverpool si aan la rumaysan karin ugu soo baxday finalka UEFA Champions league.

Origi iyo Gini Wijnaldum ayaa min laba gool dhaliyay waxayna dhinaca kale u dhigeen natiijadii 3-0 ka ahayd ee ay Barcelona ku xusaabtamaysay ee kulankii lugtii hore waxayna hadda kooxda Jurgen Klopp samaysay mid ka mid ah mucjisooyinkii Champions league ugu layaabka badnaa.

Barcelona ayaan waxba ka baran ceebtii xili ciyaareedkii hore ka soo gaadhay AS Roma waxayna markale Champions League kaga hadhay si murugo badan oo ayna abid ilaawi doonin laakiin kooxda Reds ayaa muujisay qaab ciyaareedkii xili ciyaareedkeeda ugu fiicnaa.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Arturo Vidal, Ivan Rakitic, Sergio Busquets; Philippe Coutinho; Lionel Mesis, Luis Suarez.

Kaydka: Nelson Semedo, Arthur, Jasper Cillessen, Malcom, Samuel Umtiti, Thomas Vermaelen, Carles Alena.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, James Milner; Xherdan Shaqiri, Divock Origi, Sadio Mane.

Kaydka: Georginio Wijnaldum, Dejan Lovren, Joe Gomez, Daniel Sturridge, Simon Mignolet, Rhian Brewster, Ben Woodburn.

Liverpool ayaa qaab ciyaareed layaableh ciyaarta ku soo gashay waxayna doonayeen in ay wax walba u huraan sidii ay iskaga soo celin lahaayeen saddexdii gool ee ay Barcelona guusha ku gaadhay kulankii lugtii hore ee Camp Nou.

Daqiiqadii 7 aad Liverpool ayaa keensatay goolka rajadii kooxdeeda soo nooleeyay ee Anfield qaraxa ka abuuray kadib markii uu Origi awooday in uu dhaliyay goolka furitaanka Reds iyada oo Ter Stegen ay ka soo booday kubbad uu Henderson goolkan ku dhalin lahaa, wuxuuna Origi ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Reds hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 10 aad Sadio Mane oo kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Barcelona ayaa cadaadis kala kulmay Sergi Roberto waxayna Liverpool ku doodayin ay rekoodhe heshay laakiin garsooraha ayaan xataa VAR ka eegin wuxuuna Mane u sheegay in uu iska kaco.

Daqiiqadii 15 aad Barcelona ayaa weerarkeedii ugu horeeyay oo halis ah ku qaaday Liverpool waxaana darbo gool lagu dhalin karayay tuuray Coutinho laakiin goolhaye Alisson ayaa kubbada iska saaray halka Suarez uu awoodi waayay in uu kubbada soo booday gaadho.

Daqiiqadii 19 aad Lionel Messi ayaa xamaasada Liverpool ku aamusiin gaadhay goolka barbaraha laakiin goolhaye Alisson ayaa si fiican isku dhaafiyay fursada uu Messi goolkan ku dhalin lahaa halka Coutinho uu waqti yar ka hor fursad kale lumiyay.

Daqiiqadii 24 aad Andy Robertson ayaa darbo layaableh ku tuuray goolka Barcelona laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa awooday in uu dib iskaga soo joojiyay waxayna Liverpool culays saartay Barca oo ay goolka labaad albaabka u garaacaysay.

Daqiiqadii 45+3 Barcelona ayaa ugu dhawaatay in ay keensato goolka barbaraha kadib markii uu Shaqiri si liidata kubbad u lumiyay isla markaana ay Messi iyo Vidal soo shaqeeyeen laakiin kubbada uu Messi sida layaabka leh ugu saaray Alba ayuu Alisson iska badbaadiyay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayayna Barcelona marnaba raaxo ku dareemin ciyaarta waxayna awoodi kari wayday in ay kubbad isku dhiibato maadaama oo ay Liverpool cadaadis aad u sareeya ku ciyaaraysay laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Liverpool hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta oo ay Liverpool wali u baahnayd in ay laba gool keensato si ay barbaro uga dhigto wadarta labada kulan ayay Liverpool soo laabtay iyada oo soo laba jibaartay dagaalkii ay ku jirtay.

Daqiiqadii 46 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Gini Wijnaldum kadib markii uu Andy Robertson uu dhaawac ku dhamaysatay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna Liverpool noqotay kooxda goolal kale markiiba laga filan karayay.

Daqiiqadii 51 aad Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay goolka labaad keensato kadib markii uu Van Dijk kubbad halis ah uu cidhib ku qabtay isaga oo goolka Barca horjoogay laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa gool cadaan ah ka joojiyay kooxdiisa Barca.

Daqiiqadii 54 aad Gini Wijnaldum oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa si cajiib ah u dhaliyay goolka labaad ee Liverpool kaas oo noqday goolka ciyaarta waali galiyay isla markaana ay jamaahiirta Anfield waalida ku dhawaadeen wuxuuna Wijnaldum ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Liverpool hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 56 aad Alla maxay Waali Ahayd!! Gini Wijnaldum ayaa goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee kooxdiisa Liverpool indhaha caalamka ku xaday kadib markii uu darbo madax cajiib ah ku dhaliyay kubbad caawin uu Shaqiri ka helay, waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Liverpool isaga soo celisay saddexdii gool ee ay Barca ku soo dhalisay Camp Nou.

Barcelona ayaa gashay laba daqiiqo oo jaho wareer ay wax samayaan garan waayeen wuxuuna Valverde ka fikiray wixii uu xal ku samayn lahaa isaga oo ciyaarta soo galiyay Nélson Semedo wuxuuna saaray Philippe Coutinho oo fashil kula soo laabtay Anfield.

Semedo ayaa difaaca midig soo galay waxaana khadka dhexe soo galay Sergi Roberto laakiin wali Barcelona ayaa ku dhibtoonaysay ciyaarta waxayna awoodi kari wayday in ay weerar qaadi karto.

Daqiiqadii 79 aad Liverpool ayaa la timid goolkeeda goolkeeda afraad ee wadarta labada kulan hogaanka kula wareegtay kadib markii uu Origi goolkiisa labaad ee kulankan ku dhaliyay kubbad caawin koorne gaaban oo uu Alexander-Arnold soo tuuray waxayna ciyaartu noqotay 4-0 ay Liverpool ku xasuuqayso Barcelona.

Valverde ayaa ciyaarta soo galiyay Malcom iyo Arthur Melo wuxuuna saaray Ivan Rakic iyo Arturo Vidal laakiin wali ciyaarta ayaa ahayd mid ay Barcelona ku dhex lunsanayd.

Daqiiqadii 85 aad Origi oo bandhig layaableh sameeyay ayaa dhaawac ciyaarta looga saaray kadib markii uu awoodi kari waayay in uu dhamaysto waxaana ciyaarta la soo galiyay Joe Gomez.

Barcelona ayaa dhamaadkii ciyaarta lugo iska raadisay laakiin waxaa hor joogtay koox ciyaartoy kastaaba uu laba nafood leeyahay oo si waali ah ugu dagaalamaysay il bidhiqsi kasta oo ciyaarta.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 ay Liverpool ku gumaaday Barcelona isla markaana ay taariikh aan abid la ilaawi doonin ku dhigtay iyada oo soo laabasho layaableh ku samaysay guuldaradii 3-0 ka ahayd ee ay Barcelona ku soo gaadhay.

Liverpool ayaa mucjiadan ku samaysay iyada oo ay ka maqan yihiin Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Naby Kieta kuwaas oo markii hore la filayay in ay u jabayso laakiin 11 kii xidig ee uu Klopp kulankan ku soo bilaabay ayaa qaab ciyaareed waali ah muujiyay waxayna Reds xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah u soo baxday finalka Champions league.