loolan xoogan oo ka dhex qarxay Cali Gacal iyo Qoor Qoor

13

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, kaddib markii ciidamo lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka, Maxamed Gacal.

Ilo-wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada lagu daadiyey guriga guddoomiyaha xilli uu qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha Wakiillada. Tallaabadan ayaa loo aaneynayaa khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Golaha Wakiillada, maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Gacal uu qorsheynayay in kalfadhiga Golaha uu si rasmi ah u furo, isla markaana uu horkeeno qorshe la xiriira mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Qoor-Qoor.

Khilaafka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan habka loo maareeyay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Galmudug, gaar ahaan kaddib go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Galmudug.

Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, iyadoo amartay in doorashooyinka dib loo qabto. Hay’adihii hadda jiray ayaa loo oggolaaday inay sii wataan shaqadooda ilaa laga soo dooranayo hay’ado cusub.

Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa sidoo kale dhawaan Muqdisho kaga hadlay habka loo maareeyay doorashada Galmudug, isagoo muujiyay in aanu ku qanacsanayn qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaas u wajahday.

Xiisadda ka taagan Dhuusamareeb ayaa hadda sare u qaadday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka Galmudug.

 

Ilaa hadda si rasmi ah looma caddeyn sababta ciidamada loogu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo cidda bixisay amarka, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn tallaabada xigta ee Golaha Wakiilladu qaadi doono.