M/weyne Farmaajo Oo tefoon udiray Shriif sh. Ahmed, Maxuuse ka Codsaday?

1975

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay xalay wada hadalo gaar ah dhexmareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo shalayna loo doortay Hogaamiyaha madasha mucaaradka Soomaaliya, kaas oo saacad ku dhawaad qaatay.

Ilo wareed muhiim ah oo ku dhow dhow xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha in Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, hase ahaatee Shariifka ayaa u sheegay in shalay wixii ka horeeyay uu ahaa shaqsi, balse haatan uu hoggaamiyo Madasha Xisbiyada, isla markaana haddii ay kulmayaan ay tahay in Madasha Hoggaankeeda inay qeyb ka ahaadaan kulanka, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu ku yiri inuu ka soo fiirsanayo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, waxaana la sheegay in kulanka labada dhinac uga hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan Galmudug iyo inay kala shaqeeyaan muddo kordhin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo loo sameeyo, ayna qeyb ka noqdaan Xukuumad Wadaag.

Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray waxaa uu ku sheegay in Xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UPD ay kulan qarsoodi ah la yeesheen Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, loona soo jeediyay in Xukuumadda lala wadaago, lagalana shaqeeyo in waqti loogu daro Madaxweyne Farmaajo, sida uu yiri Mr C/fataax.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrimahan soo kordhay ee isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah uu  culeys weyn ku yahay dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto.