Ma jiro sharci Deni u diidaya inuu isku sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya

856

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shirre Abgaal ayaa sheegay inuusan jirin sharci madaxweyne Deni udiidaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha isaga oo aan iska casilin xilka madaxweynaha Puntland.

Wasiirka maaliyadda ayaa ka digay in tashuush lagu furo musharraxnimada madaxweyne Siciid  Deni, isagoo ku tilmaamay dadka qaba aragtigaas inay yihiin kuwa doonaya inaan isbeddel lagu sameynin hoggaanka dowladdda Soomaaliya.

“Dowladda hadda jirta iyo Shabaab ayaa isku dhex milmay, waxaa la rabaa inuu isbeddel yimaado. Marka yaan la shaki la galin isbeddelkaas. Madaxweynuhu waa tartamayaa. Madaxweynayaal ka horreeyay ayaa sidaas oo kale u tartamay, xilkan” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Hadalka wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu kusoo beegmayaa, kadib markii maalmo ka hor mid kamid ah xildhibaannada barlamaanka Puntland uu sheegay inay xilka ka qaadayaan madaxweyne Deni haddii uu isku sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.