” Ma oggolaan doonno in dalka la bur-buriyo”

1729

Taliyaha guud ee Ciidanka difaaca Suudaan, Jeneraal, Kamal Abdul Macruuf, ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in la bur-buriyo Dalka, Qarankana la fashiliyo.

Taliye, Kamaal, ayaa war uu kasoo saaray Xafiiskiisa ku bixiyay digniin ka dhan ah dibed baxayaasha, wuxuuna Ragga hoggaaminaya muddaaharaadyada ku sheegay in ay yihiin cadow doonaya in ay Suudaan u yeelaan muuqaal fool xun.

Mudaharaadyada ka socda Suudaanta Waqooyi oo Todobaadyo ka hor soo billowday ayaa salka ku haya sare u kaca maciishadda iyo sicir barar ku yimid Roodhiga, dibedbaxyadaas oo markii dambe u xuubsiibtay kuwo siyaasadeed oo ay ka faa’iideysanayaan Axsaabta siyaasadda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa doonaya in uu Kursiga banneeyo Madaxweynaha haatan xilka haya ee Jeneraal, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo Sanaddii 1989-kii xukunka kula wareegay Af-gembi aanu Dhiig ku daadan.