Maamul Goboleedyada oo gaadiid dagaal looqaybiyay+VIDEO

1794

Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Isloow waxaa Maamul Gobolleedyada la siiyey gaadiid Cabdi bileyaal ah.

Wasiir Isloow wuxuu sheegay in Dawlada Dhexe loo soo mariyey Baabuurtani Cabdi bileyaasha ah oo xitaa Maamul Gobolleedyada Dalka lasiinayo.

Wasiirka waxa uu sheegay in Lacag gaareysa 42 Milyan Dollarka Mareykanka ayna Gaadiidkani yihiin kuwo qaar Dawlad Gobolleedyada la gudoonsiiyey kuwo kalena loo diri doono.

Midowga Yurub,Dawladaha Ingiriiska iyo Jarmalka ayaana la sheegay in Gaadiidkani Lacagta lagu soo iibiyey Laga keenay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa uu sheegay inay ka mahad celinayaan Gaadiidka lagu soo wareejiyey.