Maamul goboleedyada oo kasoo horjeestay Wasiir Beyle

1528

Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xeerka Cashuuraha dalka ee Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka uu horgeeyey Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay yaab ku noqotay in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle “uu Xeerka Cashuuraha Dalka horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo aan cidna kala tashan kuna xadgudbay hiigsiga nidaam federal ah oo ka dhaqangala dalka oo dhan.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan “uu Wasiirku afduubay islamarkaana uu si buuxda uga hor-imaanayo Dastuurada Maamullada iyo hab-fulinta xeerarka cashuuraha dalka. “

Maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamanka in aysan ansixin xeerkan, maadaama ay sheegeen inuusan ka dhaqan gali doonin deeganadooda.