Maamul goboleedyada oo shir ku leh Nairobi

1635

Madaxda qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ayaa shi ku yeelanaya magaalada Nairobi, iyagoo la kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa shir isugu imaanaya, waxaana la filayaa in si wadajir ah ay mowqifkooda ku aadan xaalada dalka u gudbiyaan Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dalban doonaa Wakiilada Beedha Caalamka in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2020, sidoo kale waxay taageeri doonaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.