Maamul Goboleedyada oo war kasoosaaray warqadii Farmaajo

998

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay kulan ku yeeshay aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, ayaa kawada hadlay xaalada cakiran ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ugu baaqay labada masuul iney joojiyaan warqadaha kasoo baxaya xafiisyadooda, ayna ku dhaqmaan Dastuurka dalka u yaalo si meesha uga baxdo khilaafka adag ee ragaadiyay labada masuul.

Kulanka madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaa waxay ku lafa gureen khilaafka sii xoogeysana ee u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareysa dalka, waxayna kulanka kadib si wadajir ah u soo saareen War saxafadeed ka koobnaa ilaa todobo qodob.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka ay soo saareen madaxda maamul goboleedyada dalka.