Maamule Iskuul oo Maanta lagu dilay Qarax

632

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax miino goordhaw lagu dlay maamulahii Iskuulka Deyniile Daahir Xasan Tooxow oo loo yaqiinay Daahir Digdigle.

Qaraxa oo la sheegay inu ahaa nooca dhulka lagu aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa haleelay gaariga uu saarna Marxuumka, isagoona isla goobta ku geeriyooday.

Masuliyada qaraxaasi lagu dilay maamulahii Iskuulka degmada Deyniile ayaa waxaa sheegatay dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona sheegay in Marxuumka uu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xushay Baarlamaanka cusub ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Geerida maamulaha Iskuulka Deyniile waxaa ka tacsitadeeyay madaxda Wassaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana dilka marxuumkaan u imaanaya xili Al-Shabaab horay u shaaciyeen iney khaarajin doonaan cid walba oo ka qeyb qaadata soo xulista iyo magacaabista Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.