Maamulka Abiy ayaa lagu eedeeyay Xasuuq shacab

183

Dowladda Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujisay sii socoshada xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuquda aadanaha ee ka socda Itoobiya.

Falalkan ayaa laga yaabo in ay saamayn ku yeeshaan hannaanka ay Itoobiya ku dooneyso in ay maal-gelin uga hesho deyn bixiyayaasha caalamiga ah.

Maamulka ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dunida kala kulmaya waji gabax iyo dhalleeceyn isa soo tareysa oo ku aaddan xeeladaha ay ciidamadiisu ku wajahan kacdoonka dadweynaha, taasi oo keentay rabshado iyo fowdo dalka oo dhan ah.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa lagu eedeeyay dilal sharci darro ah iyo duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo sababay dhimashada dad rayid ah.

“Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya si aan u qiimeyno haddii ay jiraan xad-gudubyo waaweyn oo saameyn ku yeelan kara taageerada Mareykanka ee kaalmada hay’adaha maaliyadeed ee sida waafaqsan sharciga hay’adaha maaliyadeed ee dunida,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

“Dowladda Mareykanku waxay walaac xoogan ka qabtaa warbixinnada ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda bini’aadamka ee ka dhacaya Gobolladda Amxaarada iyo Oromia ee ay ku lug leeyihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Si kastaba, maamulka Abiy ayaa wajahaya culeys caalami ah oo la xiriira tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday maamulka, xilli laga deyrinayo xaaladda bini’aadannimo ee dalkaasi, oo gaartay meeshii u sareysay.