Maamulka Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Unai Emery Kadib Bar-Barihii Southampton

1754

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax niyad ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Unai Emery iyaga oo wali diyaar u ah in ay taageeraan tababaraha cadaadisku Saaran yahay ee Emery.

Xilli ay Gunners kaliya guul gaadhay 2 kulan 11-kii kulan ee ugu horeeyay ee horyaalka premier League taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn u dalbanaya in tababaraha laga caydhiyo shaqada.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Independent ayaa sheegaya in ay shaqada tababara Emery Amaan u tahay oo aan la caydhin doonin xilli ay Maamulka Gunners taageersan yihiin shaqada uu tababaruhu ka hayo kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Arsenal ugu yaraan tababaraha siin doonaan 3 todobaad si uu u badbaadiyo shaqadiisa Arsenal.

Arsenal ayaa wajahaysa kooxaha Norwich City, iyo Brazil kulamada soo socda xilli ay u dagaalamayaan in ay soo yareeyaan dhibcaha ay ka dambeeyaaan kaalinta 4-aad.

Gunners oo ku jira kaalinta 4-aad ayaa 8 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee chelsea kadib todobaadkan.

Akhriso: Fariimo Jacayl Ah Oo Qofka Aad Jeceshahay Ugu Muujin Karto Dareenkaaga