Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Shir deg deg ah

1499

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si kulul waxa uu uga hadlay Go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyay Imtixaankii socday taas oo keentay in arday farabadan ay banaanbax dhigaan.

Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad goboledka Galmudug Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa Dowladda looga fadhiyo in ay la xisaabtamaan Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya maadama uu sheegay in qishka uu ka baxay wasaarada dhaxdeeda sida uu hadalka u dhigay.

Isago sii hadlayay ayuu sheegay in Galmudug aysan u dul qaadan doonin in la niyad jebiyo in ka badan 30 kun oo arday oo imtixaanka u fariistay Sanadkaan.

Hadalkaan ayuu Agaasimaha waxaa uu ka shaagay munaasabad lagu xusayay 15 may Maalinta dhalinyarada Soomaliyeed oo Maanta lagu qabtay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.