Maamulka Hir-shabeelle oo eedeyn kulul u jeediyey Dowladda Soomaaliya+ VIDEO

1652

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu eedeeyay dowlada federalka gaar ahaan wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka,iyadoo lagu eedeeyay in ay soo bandhigtey barnaamij lagu takoorayo deegaanada qaarkood.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaarada Gargaarka uu Maamulka Hirshabelle u gudbiyay cabasho ka dhan ah qorshaha ay wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Federalka.

Hase yeeshee qorshaha ay wado Dowlada Federalka ayaan lagu cadeyn warsaxafadeedka hase yeeshee warar ay heshay Wardoon.net ayaa sheegaya in qorshahan uu yahay mid lagu kaalmeynayo gobolada dalka ee ay abaaruhu saameyeen balse maamul goboleedka Hirshabelle aan laga xusin.

Si kasta ha ahaatee waxa ay wararka ka imanaya deegaanada hoostaga Hirshabelle ay sheegayaan in ay ka jirto xaalad abaar oo saameysay dadka iyo duunyadaba.

 

War-saxaafadeed-Gargaarka-converted