Maamulka Jubbaland oo wax lagu qoslo kutilmaamtay qoraal ka soo baxay Dowlada Federalka

1629

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa jawaab ka bixisay warqadii xaley ka sooo baxdey wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya taas oo ku saabsaneyd arrimaha doorashooyinka Dowlad goboleedyada.

War saxaafadeed kasooo baxey Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland aysan quseyn warqadaas,isla markaana Jubbaland ay u madax banaan tahay inay si xor iyo xalaal ah u qabsato doorashadeeda.

Sidoo kale Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa la sheegay inay yihiin kuwo ku filan doorashada Jubbaland,isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya aysan faragelin karin doorashada.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.