Maamulka Tigree-ga Itoobiya oo 3 Jiho laga weeraray

1756

Warkii u dambeeyey ee kasoo baxaya dagaalada Itoobiya ayaa Xukuumaddu ay tabinaysaa in ay hesho guulo dagaal, waxaana dagaalka maanta uu ahaa mid ka duwan maalmihii u horeeyy ilaa markii uu bilowday, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in hubka culus oo dhan laysku adeegsaday oo ay ku jiran diyaaradaha oo xalay garaacid bilaabay.

Warbaahinta taageersan dawladda iyo tan Ismaamulka Amxaaradda ayaa tabiyey in ciidamada dawladda Itoobiya ay qabsadeen sadex deegaan oo ahaa kuwii ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada Ismaamulka Tigree-ga, waxaana deegaanadan ka mid ah Humera, Walkoit & Tegede.

Sadexdan deegaanba waxaa gacanta ku hayay ciidamada Ismaamulka Tigree-ga, waxaana wadajir iskugu racay in laga qabsaday goobahan oo ay ku jiraan kuwa muhiim ah warbaahinta Itoobiy iyo tan deriskeeda Eritrea oo cadeysy.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta 2 jeer soo saray war ayaa markale haddana caawa hadlay, wuxuuna bixiyey faahfaahinta guulo dagaal oo uu sheegay in laga gaaray burburinta dhammaan hubkii cuslaa ee ay qabsadeen Tigree-gu.

Col, Abiy ayaa hoosta ka xariiqay in lasoo gabagabeeyey qeybtii koowad ee howlgalkii ay bilaabeen ciidankiisa, si loo soo afjaro wuxu ugu yeeray cadowga nabadda diidan.

Wuxuu sheegay in ay ciidankiisa u suuragashay in ay burburiyaan dhammaan hubkii cuslaa oo ay ku jiraan Gantaalo culus oo meelo kala duwan la dhigay, kuwaas oo uu sheegay in ay halis ku ahaayeen Amniga Itoobiya.

Gantaalada la burburiyey ayaa la cadeeyey in ay masaafo ahaan gaari karaan 300KM, waxaana uu sheegay in ay hadda ciidamada cirku beegsan doonaan goobo muhiim ah oo kale, kuwaas oo lagu qariyey hubka culus ee ay kooxdan la wareegtay dhawaan, mudo dheerna ka haysatay ciidamada xooga dalka.

“Waxay doonayeen kuwa nabadda diidan in ay isticmalaan hubkan oo culsu, waana sababtii ay u werareen ciidamada xooga, waxaana ciidankeenu ku guuleysteen in ay burburiyan, waana daba joogaynaa qof kasta oo dambi kulehna waxaa lamarinayaa cadaalada oo la horkeenayaa” ayuu yiri Raysalwasaare Abiy Ahmed.Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in ay dadaal badan u galeen sidii dagaalkan loo baajin lahaa, balse ay diideen TPLF oo uu sheegay in ay waajib noqotay in laga sifeeyo gabi ahaanba gobalka Tigree-ga oo shacabka la gaarsiiyo adeegyada dawladnimada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay docwareen halis badan ku smeeyeen kuwa Tigree-ga oo ay ka galeen tan iyo shalay galab sadex jiho oo muhiim ah.