Maareeye oo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed lacago siiyaan Al-shabaab iyo Arin yaab leh + VIDEO

1812

Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in inta badan ganacsatada Soomaaliyeed lacago sida uu hadalka u dhigay naftooda xu furanayaan siiyaan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in arintan tahay wax cad oo aan qarsooneyn’’ Goob ganacsi oo furan oo aan lacag laga qaadin wey yartahay, si toos ah ayeeyna ganacsatadu inoogu sheegayaan in sababta ay lacagaha u bixinayaan tahay in ay naftooda ku badbaadiyaan’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in Ururka Al-shabaab xukunkooda ugu danbeeya uu yahay dil, sidaa daraadeed u muuqdaa ganacsatadu kuwo naftooda u baqaya, laakiin waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba arintaa raali ka aheyn.

Wasaarradda Amniga ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato dhaqaallaha la siiyo Ururka Al-Shabaab ee ka soo gala dhanka ganacsatadda Soomaaliyeed.