Maareeyihii garoonka Jomo Kenyatta oo Shaqada laga eryay

258

Maareeyihii garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii saacado ka maqneyd korontada garoonka, taa oo keentay in dad badan ku xayirmaan garoonka.

Wasiirka gaadiidka dalka Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa shaqada ka joojiyay maareeyaha garoonka Alex Gitari, waxa uuna wasiirka raaligelin ka bixiyay caqabadihii ka dhashay koronto la’aanta.

Waxa uu sheegay wasiirka gaadiidka dalka Kenya in faragelinta siyaasadeed ay keentay in shaqada garoonka laga niyad jabo, isla markaana habacsanaan ay dhacdo, taa uu tilmaamay in ay saameesay shaqadii garoonka.

Dalka Kenya ayaa la sheegay in koronto la’aan baahsan ay soo wajahday, waxa ayna koronto la’aanta saameysay shaqooyin badan ay ku jiraan garoomada iyo isbitaalada, mana sharxin shirkadda kotrontada waxa keenay in koronto la’aan dhacdo.