Macalin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisii oo ladilay

90

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan wali la garan heybtooda iney Xalay ku dileen deegaanka Gorfaale ee gobolkaas Macalin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisa oo ku wada sugnaa hoygooda.

Deegaanka uu ka dhacay dilkaan naxdinta badan ee Gorfaale ayaa ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Macalinka Dugsi Quraan ee lala dilay Xaaskiisii ayaa lagu sheegay magaciisa Macallin Cabdullaahi Cali oo loo yaqiinay Jalaqle, waxaana dilka asaga iyo xaaskiisii lala xaririyay inuu salka ku haayo aargoosi aano qabiil.

Dableyda dilkaan fulisay ayaa si deg deg ah Xalaynimo goobta uga baxsatay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan dilkaan aragagax leh ee Xalay ka dhacay deegaankaas.

Ugu dambeyntii dhacdaan naxdinta ah ayaa saaka dadka reer Galmudug si weyn u hadal hayaan, waxaana xusid mudan ee deegaanada maamulkaas ay kusoo kordhayaan mudooyinkii dambe dilalka naxdinta leh ee salka ku haayo aanooyinka qabiil.