Macalin Maxamuud oo Garoowe aaday

2028

Hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa lagu soo waramayaa in waaberigii hore ee saakay uu isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegay inuu diyaarad gaar ah uu ka raacay Dhuusamareeb, isagoona u amabaxay Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland.

Wararka aan ka heleyno Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka degay hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud, waxaana kusoo dhaweeyay xubno sugan halkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Macalinka uu Gaalkacyo uga sii gudbi doono dhanka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoona aan la ogeyn Ujeedka Safarkiisa iyo sababta keentay in Dhuusamareeb uu isaga baxo.

Shalay ayay aheyd markii Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalinka oo ah hogaamiyeyaasha Ahlusunna ay isku dhiibeen Ciidanka dowladda, kadib markii uu Dhuusamareeb dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, taas oo sababtay in labada hogaamiye is dhiibaan.

Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Ahlusunna ay gebi ahaan ka tanaasushay hogaankii Siyaaadeed ee Maamulka Galmudug, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.