Macallimuu iyo ciidan uu wato oo xoog ku galay Garbahaarey

1288

Magaalada Garbahaarey waxaa ka taagan xaalad ka dhalatay, kadib markii ciidan uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada, taas oo aad mooddo inay ku kala qayb samayn Saraakiisha Ciidamada qaarkood.

Macalimuu oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Degmada ayaa sheegay inaanu Gobolka Gedo lahayn wax Gudoomiye ah, isagoona Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ugu baaqay inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo.

Axmed Buule Gareed, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaan ka sameystay Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, waana taa midda keentay in Gudoomiyihii hore uu sheego inaanu gobolku lahayn Gudoomiye.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban.

Qoom haddii Ilaahay masiibo la damco, masuuliyiin xun xun baa la daba dhigaa, waa niman ah xamaaliyiintii dowladaha deriska laga soo bilaabo 1997-2020. Niman Addis Ababa iyo Nairobi laga soo carbistay bay nimankaasi ahaayeen. Niman caan ku ah xumaanta baa gobolka looga dhigay Gudoomiye, dadkuna waxay is weydiinayaan Macalimuu iyo Canjeer Buulle Gareed kee baa fiican,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Warbaahinta gudaha la hadlay.

Aadan Rufle oo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa yiri “Saddex nin baa Calanka xorta ee buluugga ah inay qaataan idin u qabto oo guriga iyo gaarigaba ay ku xirato, waa Madaxweynaha, Danjire iyo Gudoomiye Gobol. Calankii Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka Gedo wuxuu u hoydaa Dolow Addow. Marka ma Gudoomiyihii Gobolkaa baxsaday oo dal kale isku dhiibay mise dalkayagii baa dal kale loogu daneeyaa? Dadka reer Gedo intaasaa weydiinayaa.”