Madaafiic lagu weerarray xarunta Xalane

1209

Weerar madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa lagu tuuray xarunta Xalane magaalada Muqdisho ee fariisinka u ah ciidamada howlgalka AMISOM iyo wakiilada dowladdaha shisheeye.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu tuuray xarunta Xalane oo dhinaca kale isku diyaarineysa marti-galinta shirka doorashooyinka ee dhawaan furmaya.

Ma’aha markii ugu horreysay oo madaafiic lagu weeraro saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane waxaana inta badan weerarada noocan ah sheegtay Al-shabaab.