Madaale oo deg deg ku tagay Dhuusomareeb

163

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno la socda ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, madaxda maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga guddoomiyaha gobolka Banaadir .

Yuusuf Madaale ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb sidii uu kulamo ula soo qaadan lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , oo sida xogaha soo baxaya sheegayaan ugu yeeray in uu deg deg ugu yimaado.

Madaxweynaha ayaana Duqa Muqdisho kala hadli doona arrimo dhowr ah ay kamid yihiin sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa abaabulka degan ee lagu xureynayo deegaannada beeshiisa degto oo kamid ah goobihii ay soo banneeyeen ciidanka dowladda.

Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweynaha in uu kala hadlo Yuusuf Madaale sidii wax looga qaban lahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo bateen qaraxyada iyo dilalka ay geesanayaan kooxda Al Shabaab.