Madasha xisbiyada qaran oo beeniyey inay ka soo horjeesteen doorashada Somalia

1639

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah ururada Siyaasadeed ee dalka ayaa beeniyey warar saacadihii ugu dambeeyey la faafiyey oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya.

Madasha xisbiyada Qaran ayaa beenisey run ahaanshaha inay qayb ka tahay war lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya inay musharixiin gaaraya 12 ay diideen ka qaybgalka doorashada Soomaaliya.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeeneysaa inay waxba kama jiraan tahay warqaddan oo looga been abuurtay hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madasha.

Dhanka kalena, xisbiga Sahan ayaa beeniyey in hoggaamiyohooda Cabdikariin Xuseen Guuleed uu qayb ka ahaa qoraalkaasi looga hadlayey xaaladda Soomaaliya iyo doorashada madaxtinimada dalka.

“Xisbiga Sahan waxaa uu caddeeynayaa in uusan waxba kala socon warqadan, waana warqad been abuur ah, oo looga been abuuray hoggaanka sare Xisbiga Mudane Abdikariin Hussein Guled” ayuu lagu yiri qoraalka.