Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo shir ku yeelanaya Muqdisho

1376

Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.

Kulanka xalay ku dhexmaray madaxda golaha wadatashiga qaran khadka Zoom-ka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashoyinka dalka, waxayna isla meel dhigeen in Sabtiga soo socda isugu yimadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in shirka aay isugu imaanayaan golaha wadatashi qaran aay hortagi doonaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka si aay usoo bandhigaan qorshayaasha ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhaceyso.

Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo loo xilsaaray hirgelinta doorasho xor iyo xalaal inuu ka qabto dalka ayaa u muuqanaya mid dardargelinayo howlaha culus ee horyaala.