Madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gaalkacyo oo la dilay

1481

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa waxay kuguuleysteen in ay toogtaan madaxii Amniyaadka Al shabaab ee gobalka Mudug hadda ugu magacownaa.

Sidaas oo kale, waxay qabteen ciidanku qaar kamid ah saraakiisha Al-Shabaab iyo qaraxyadii ay wateen, iyadoo si adag shabakadan loo burburiyey, Xubnaha la qabtay waxaa kujira xubin sare oo la baadigoobayay.

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana dabagal lagu hayay macluumaadka xubnahan, oo saaka isku dayay in ay baxsadaan. Hadda waxay qorsheynayaan maleegida weerar weyn oo qaraxyo ah.