Madaxii Maaliyadda Kooxda Al shabaab oo laqabtay

87

Howlgal Qorshaysan oo laga fuliyey Deeganka Buur-Helede oo Hoostagta Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay ayaa lagu soo qabtay madaxii Al-shabaab u qaabilsana dhinaca maaliyada degmada buur-hakaba.

Sarkaalkaan gacanta lagu soo dhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheeegay Aliyow Isaaq Macalin oo ah madaxii Maaliyada u qaabilsanaa Kooxda Al Shabaab Nawaaxiga Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed Qeybta Degmada Buur-Hakaba Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa Hogaaminayey Howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkaan dhinaca Maaliyada u qaabilsana Al Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheeegay in xilliga la soo qabanayey Aliyow Isaaq ku howlanaa u jarista Boonooyinka Baabuurta isticmaaala Wadooyinka kala Duwan Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Buur-Hakaba ayaa Waday Howlgallo Qorshaysan oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab.