Madaxii Miinooyinka Al-shabaab oo laqabtay +SAWIRRO

715

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa caawa howgal ay ka sameyen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgankan oo ay fuliyeen ururka 14 aad, guutada 14 October ee fadhigoda yahay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo qabtay Madaxa Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa Marka oo lagu magacaabo Aweys Mayoow Axmed, kaasoo magaciisa afgarashada uu ahaa Aweys Eelaay.

Sarkaalkan ayaa markii la soo qabanayey ku howlanaa sidii uu u aasi lahaa miino nooca dhulka ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada DF ee magaaladfa Marko.