Madaxii Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso oo latoogtay

1554

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin hubeysan uu saaka toogtay Madaxii Mashruuca Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso.

Ninka hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa la sheegayaa in isna goobta lagu dilay, iyadoo Isbitaal loola cararay Madaxii Shirkadda DP World Paul Anthony Fermosa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladiisa, warbaahinta Boosaaso ayaa sheegaya in rasaastii lagu furay uu u geeriyooday, halka warar kalena ay sheegayaan inuu koomo ku jiro.

Mr Paul ayaa mada xka ahaa Mashruuca DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Boosaaso oo maamulkii hore ee Puntland ay heshiis la gashay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe