Madaxii sirdoonka Al-Shabab oo laqabtay

274

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ciidamada deegaanka ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay Farxaan Shalaange, kaas oo sawirkiisa , isaga oo indha ka xiran ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa madaxii sirdoonka ee kooxda Al-Shabaab, isla markaana isaga oo sahan ahaa lagu qabtay agagaarka deegaanka Bacaadweyne oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

 

Ciidanka fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee aagga Bacaadweyne.

Sidoo kale ciidamada ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta soo qabashada sarkaalkaasi muhiimka u ahaa Al-Shabaab.
“Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi ee ay maanta gacanta kusoo dhigeen ciidamada deegaanka.
Maalmihii u dambeeyay waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen deegaano badan oo dhaca gobollada dhexe ee dowlad goboleedka Galmudug.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab waxaa soo badanayay maleeshiyaadka soo galaya gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.