Madaxwaynaha Hirshabeele oo taageeray Metelaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir

1465

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay matalaada Aqalka sare ee gobolka Banaadir, waxaana durba taageeray u muujiyay mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulada dalka ka jira ee taageera qaraarka Gobolka Banaadir lagu siinayo 13-xubnood oo katirsan kuraasta Aqalka sare.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in gobolka Banaadir xaq dastuuri ah u leeyahay matalaada Xildhibaanada aqalka sare, waxa uuna talaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid muhiim ah.

Halkan ka AKhriso Qoraalka Cali Guudlaawe soo saaray