Madaxwayne Xasan Sheekh oo suuqa Bakaaraha ku tukaday salaadda Jimcaha + Sawirro

89

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda Muqdisho kula tukaday Salaadda Jimcaha Masjidka Abuu Hureyra, oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

 

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee dalka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa sharci ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajahayso faragelinta shisheeye iyo tallaabooyinka lidka ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranka.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay guulo muhiim ah ka gaartay halganka diblumaasiyadeed ee lagu wajahayo damacyada gurracan ee Israa’iil, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo wadaniyad, si wadajir ahna looga hortago halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayada lagu doonayo in dalka laga hirgeliyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca madaxbannaanida dalka, ilaalinta danaha shacabka iyo xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.