Madaxweynaha Brazil oo lagu amray in uu xirto maaskarada

1684

Garsoore ku sugan dalka Brazil ayaa madaxweyne Jair Bolsonaro ku amray in uu xirto maaskarada marka uu ku sugan yahay goobaha isu imaatinka ee ku yaalla dalkaas.

Madaxweynahan ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab sahlan”.

Dalka Brazil ayaa noqday waddanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyriska Corona marka Mareykanka laga soo tago.

Haatan kiisaska cudurka gudaha Brazil waxay gaareen in ka badan 1.1 Malyan halka tirada dhimashadana ay gaartay in ka badan 51,000, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.

Inkasta oo uu cudurka ku baahay dalkaas, Madaxweyne Bolsonaro ayaa mar kale kasoo muuqday fagaare, maalintii Aaxadda, isagoo gacanta ku salaamaya boqollaal ka mid ah taageerayaashiisa, sawirrana la galaya.

Bolsonaro ayaa sidoo kale kasoo muuqday isu soo bax isaga oo aysan afka iyo sanka u daboolneyn xilli uu khudbenayay isagoo quafacaya.

Maamulka caasimadda Brazil ayaa 30-kii bishii Abriil ku dhawaaqay in dadku ay xirtaan maaskarada.

Waxaa go’aankaas ku dhawaaqay duqa magaalada Brasilia Ibaneis Rocha kaas oo dhigayay in dadku ay xirtaan maaskarada marka ay ku sugan yihiin goobaha isu imaatinka gaar ahaan, marka ay raacayaan gaadidka, dukaamada iyo xarumaha ganacsiga.

11-kii bishan May ayaa la adkeeyay xeerka, waxaana la shaaciyay in ciddii jebisay xeerka maaskarada lagu ganaaxi doono 387 doolar maalin kasta.

Go’aanka kasoo baxay garsooraha waxaa uu saameynayaa saraakiisha dowladda ee aan u hoggaansamin xeerka sida madaxweyne Bolsonaro.

Bolsonaro waxa uu sheegay in kala fogaanshaha dadweynaha ay uga sii dareyso dhaaqaale xumada ka jirta dalkaas, isagoo sidoo kale fayraska ku tilmaamay hargab yar oo aan sidaas usii weynayn.

Isniintii, waxaa uu ku baaqay in la dabciyo xayiraadda ka hortagga fiditaanka cudurka isla markaana dib loo furo ganacsiga dalkaas.

In dalka xayiraad la galiyo si loo xakameeyo fayraska ayaa waxaa diiday madaxweynaha, waxaana uu sidoo kale dafiray halista cudurku leeyahay, iyadoo taasina ay si aad ah u kala qaybisay dadka ku nool dalkaas.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN