Madaxweynaha Burundi oo geeriyooday

1557

Sida ay sheegayaan warar goor dhow soo baxay Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandana istaagay

Qoraal ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa oo lama filaan ku noqotay shacabka dalkaas iyo caalamkaba

“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yiri qoraalka.