Madaxweynaha Galmudug oo lakulmay safiirka Uk ee Soomaaliya

1548

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo safar howleed ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la kulmay safiirka dowladda Uk u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender.

Kulankooda waxay diirada ku saareen xaaladaha cakiran ee Soomaaliya iyo sida loo wajihi karo iyo dowladda Uk ay mashaariic horumarineed ka fuliso Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Magaalada Nairobi waxana kulankaasi kahor uu wada shirar uu la qaadanayo madaxda caalamka.

kulamada madaxweynaha Xaaf ayaa ku soo aadaya xili khilaaf xoogan uu dhaxeeyo Galmudug iyo Dowlada Somaliya.