Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in la qabtay dadkii kadambeeyay dilka 13 ruux

1661

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dilkii loo geystey illaa 13 ruux oo xoogsato ah oo ku noolaa Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystey illaa 13 ruux oo xoogsato la qabtay caddaaladana la horgeyn doono.

“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka codsaday Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo.